Ku saabsan la midoobida qoyska

Haddii lagu siiyo magangalyada caalamiga ah (qaxootiga la aqoonsanyahay ama heerka magangalyada caalamiga ah) ee Biljimka, waxaad xaq uleedahay inaad keentid xubnaha gaarka ah ee qoyskaaga si ay kuugu soo biiraan. Nidaamkaan ‘la midoobida qoyska', sida loogu yaqaan Qodobka 10 ee Xeerka Biljimka ee 15 Diseembar 1980 ee gelitaanka dhulka, daganaanta, aasaasida iyo ka saarida ajaanibta, sida lagu badelay, quseysaa xubnaha qoyska gaarka ah ee ku haray wadanka asalka ama ku nool wadan kale.

Sida waafaqsan sharciga Biljimka, kaliya xubnaha qoys gaar ah ayaa u qalmo nidaamka la midoobida qoyska. Haddii ay buuxiyaan sharuuda sharciga ah oo ay bixin karaan cadeynta warqadaha loo baahanyahay, shan qeybood ee shaqsiyaadka ayaa kuula soo biiri karo Biljimka "sida xaquuqda" sida waafaqsan Qodobka 10:

  • xaaskaaga;
  • canugaaga ka hooseeyo 18;
  • carruurtaada curyaanka ah ee da’da 18 ama ka weyn;
  • haddii aad tahay canug yar oo aan lala jirin (tusaale ahaan, da’da ka hooseyso 18)
  • waaladiintaada iyo walaal walba iyo walaalaha gabdhaha da’da ka hooseyso 18 ama walaalo walboo curyaan ah iyo gabdhaha 18 ama ka weyn.

Suurtogal miyay kuu tahay adiga la midoobida qoyska?

Xubnaha kale ee qoyskaaga (carruurtaada jir ahaan ugu suurtogaleyso ee da’da 18 ama ka weyn iyo carruurta awowga u tahay, gabdhaha adeerka u tahay, wiilasha adeerka u tahay, lamaanayaasha dhabta ah, iwm.) kuguma soo biiri karaan Biljimka sida waafaqsan diyaarinada la midoobida qoyska. Si kastaba, sida waafaqsan xaaladaha qaarkood waxay codsan karaan shatiga daganaanshaha Biljimka ee sababaha bani’aadannimada, sida ku saleysan Qodobada 9 iyo 13 ee Xeerka kor lagu sheegay.

Si ka duwan la midoobida qoyska, fiisada bani’aadannimada ma saxno laakin tilmaanta wanaaga ee maamulada Biljimka ee xubinta qoyska ee raba inay kuugu biiro Biljimka laakin aan aheyn xubinta qoyska u qalanto sida waafaqsan Qodobka 10. Sharciga Biljimka kuma sharuudeeyo wax sharuudo gaar ah ee lagu bixinayo fiisada bani’aadannimada. Badelkii, go’aanka waxaa loo dhaafaa iqtiyaarka Xafiiska Socdaalka Biljimka, taas oo ku baarto si ku saleysan dacwad-ba-dacwad haddii xaaladaha – taas oo ah in si ku haboon loo bixiyo cadeynta –loo buuxiyo sharuuda xubinta qoyska quseyso ee ka qaadanyo daganaanshaha Biljimka. Si kastaba, waxaan kugu xasuusinaa xiriirkaan baaxada imaan karta iyo qaabka adag ee la midoobida qoyska iyo nidaamyada fiisada bani’aadannimada.

Websaydkaan wuxuu bixiyaa kaliya warbixin ee la midoobida qoyska oo qaxootiyada la aqoonsanyahay ama ka faa’ideystayaasha magangalyada caalamiga ah ee Biljimka. Adkaanta nidaamka codsiga fiisada bai’aadannimada la sheegay, waxaan kuu soo jeedineynaa inaad la tashatid qareen ama hay'ada bixin karto tallada sharciga. Laanqeerta Cas kuguma caawin karto wax codsiga fiisada bani’aadannimada.

Waxaan kuu gudbineynaa websaydyada xigga: