Raadi qaraabada maqan

  • Ka raadi qaraabadaada warbaahinta bulshada (Facebook, WhatsApp, iwm.). Markii aad sidaas sameyneysid, isku day inaad u hingaadisid magacyada qaraabadaada qaabab kala duwan. 
  • Ka raadi xiriirada la wadaago, sida laga yaabo inay u suurtogasho inay la xiriiraan qoys maqan.
  • Isku day inaad dib xiriir ula sameysid bulshada deegaanka qoyskaaga ee wadankaaga asalka ah, sida laga yaabo inay ogaadaan halka qaraabadaada joogaan.
  • Ka raadi xubnaha qoyska 'Trace the Face' ('Raadi Wajiga'). Kani waa websaydka Bulshada Caalamka ee Laanqeerta Cas (ICRC) halkaas oo shaqsiyaadka raadinayo xubnaha qoyska ay ku reebi karaan sawirka qaraabadooda maqan iyo lambarka taleefonka. Haddii aad rabtid in shawirada iyo sharaxaadaha qaarabada ay ka muuqdaan boggaan, waxaad u baahaneysaa inaad balan nala sameysatid inaga. 
  • Haka niyad jabin kadib isku daygaaga koowaad. Joogtey ka eegida warbaahinta bulshada oo Trace the Face ugu yaraan hal jeer bishii si aad u aragtid haddii ay jirtay wax hormaro ah, sida dacwadaha cusub ama fariimaha maalin walba soo dhacaan. 

Sidee ayaan kuu caawin karnaa?

Waxaan ku siiyaan adeega raadinta qoyska si aad dib xiriir ula sameysid qaraabadaada. Si aad usu diiwaangeliso, kaliya raac tallaabooyinkaan sahlan:

  1. Nala soo xiriir si aad balan u sameysatid.
  2. Imaw xafiisyadeena ee waqtiga la diyaariyay.
  3. Nasii warbixin loo baahanyahay oo saxiix foomamka quseeyo.

Balan sameyso