Ku saabsan Restoring Family Links

Sannad walba, kumanaan dad ah ayaa kala lumiya xiriirka sabab la xiriirta dagaalo, qilaaf hubeysan, masiibada dabiiciga ama socdaalka. Sida waafaqsan sharciga bani’aadamnimada caalamiga ah, qof walba wuxuu xaq uleeyahay inuu ogaado waxa ku dhacay qaraabada ay kala lumeen.

Adeega 'Restoring Family Links' (Soo celinta Xiriirada Qoyska) ee ay bixiyeen Belgian Red Cross-Flanders waxay caawin kugu siisaa raadintaada ee qaraabada maqan iyo la jirto dib xiriir ula sameynta xubnaha qoyska. Waxaan la shaqeynaa Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeerta Cas (ICRC) iyo bulshooyinka kale ee Laanqeerta Cas iyo Bisha Cas (Red Cross and Red Crescent) ee daafaha caalamka. Mid walba oo midkaan ah waxay leeyihiin waajibaadkooda gaarka ah iyo shabakada, oo u ogolaaneyso iyaga inay raadiyaan qaraabada maqan oo caalamka oo dhan ah.

Xiriirada Dib usoo celinta Qoyska (Restoring Family Links) waxay sidoo kale bixisaa xog ku saabsan dib u midoobida qoyska iyo dhaqanada Belgian , waxaana la siiyaa shaqsiyaadka kujira xaalada magangalyada caalamiga ah ee kunool Belgium.

Restoring Family Links waa adeeg bilaash ah, oo aan la shaqeyno bulshooyinka kale ee Laanqeerta Cas iyo Bisha Cas oo ay sidoo kale la jiraan ergo gaar ah ee aagaga qilaafka. Dhammaan codsiyada waxaa loola dhaqmaa si qarsoodi ah, iyada oo la tixgelinayo xaalada gaarka ah ee shaqsiga iyo xaalada dhaqanka. 

Restoring Family Links waxay kugu caawisaa kuwa xigga: